qode

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cirboor; cirwareen; leexo. 2. Nooc qaadka hareeriga ka mid ah oo gaagaaban aadna u jilicsan.

cirboor

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. ld cirwareen.

cirwareen

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cirboor; qode.

leexo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dabayl dhacda oo cirka u kacda. 2. Ciyaar xarig geedo isu dhow labadiisa dacal lagu kala xiro oo carruurtu fuusho iskuna ruxaan. 3. Qallooc gala kurus geel.
  2. Jid lagu socday ka weecasho.