qolqol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.
  2. 1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid.

daah

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.
  2. Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo.
  3. (riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda.
  4. Ilixir u yeelid.
  5. 1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.

xashin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-imo, m.l)

Macnaha:

  1. Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iwm.