rabadin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xero

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meegaar dhagax ah ama ood ama qoryo, oo xoolo ama wax kale loo dhigo; derbi wareegsan oo illin laga galo leh; mooro; siibad. 2. Meel dugsiga ka weyn oo xertu wax ku barato.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hoy

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ga, -yo)

Macnaha:

  1. (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.
  2. ld hoo³.

Lamidka: hoyga

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur