hoyQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-ga, -yo)Macnaha:(hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.ld hoo³.Lamidka: hoygaSource: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
guriQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-ryo, m.l)Macnaha:1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
hooQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:Siinta cid wax la siiyo.1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado.1. Xoolo, dad iwm habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iwm hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. ld hoy², hoyi.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0