sariibad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xero

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meegaar dhagax ah ama ood ama qoryo, oo xoolo ama wax kale loo dhigo; derbi wareegsan oo illin laga galo leh; mooro; siibad. 2. Meel dugsiga ka weyn oo xertu wax ku barato.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

deyr

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld deyd.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

siibad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld siibasho.
  2. Dayr; heeraar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur