sekan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Daqiiqad; ilbiriqsi. ld seken.

daqiiqad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. ld daqiiqo.

ilbiriqsi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.
  2. 1. (fiis.) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqr.) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.

seken

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. ld sekan.