ilbiriqsi
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-iyo, m.dh)
Macnaha:
- Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.
- 1. (fiis.) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqr.) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

