shagcad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cad. 2. Tallaabo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
  2. 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
  3. 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tallaabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lugood ee qof soconaya. 2. T. qaad: arrin wax ka qabasho. 3. (fk) T.t.: tartiib tartiib. ld tillaabo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur