Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin. m.l)
Macnaha:
1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. ld sinee-mo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-mmo/aflaam, m.dh)
Macnaha:
1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. ld filim.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur