shulle

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

canqaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-wyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shullo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld shulle.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur