sidkid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg sidig².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sidig

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dko, m.l)

Macnaha:

  1. Laba halaad oo hal ilmo ah ku wada irmaan.
  2. (fiis.) Laba xoog oo isle'eg, isku lid ah, barbaro ah, si wadajir ahna u saaran walax. Xoogaggaasi waxa ay sababaan in ay walaxdu ku wareegto dhidib dhexaad-keeda.
  3. Hal geel ah ilmo aysan dhalin oggolaysiin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur