sidig
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-dko, m.l)
Macnaha:
- Laba halaad oo hal ilmo ah ku wada irmaan.
- (fiis.) Laba xoog oo isle'eg, isku lid ah, barbaro ah, si wadajir ahna u saaran walax. Xoogaggaasi waxa ay sababaan in ay walaxdu ku wareegto dhidib dhexaad-keeda.
- Hal geel ah ilmo aysan dhalin oggolaysiin.

