siimbaar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. (muus.) Qalab muusikada ka mid ah oo la afuufo lehna dhuun dheer oo dhuuban iyo daloollo, fureyaal faraha lagaga cayaaro oo foori jaadad badan leh laga soo saaro oo cayaaraha istunka marka la billaabayo iyo marka la joojinayo la yeeriyo; malkad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

malkad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Kal yar oo wax lagu tumo.
  2. (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo la afuufo badanaana loo isticmaalo xafladda istunka. 2. Calaamad caan ah oo wax leeyihiin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur