silsilad
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-do, m.l)
Macnaha:
- 1. Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto. 2. Taxane gabay ama maadees ama sheeko.
- (juqr.) Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

