tis

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Ood la gooyey oo is-haysata oo hal mar qof qaadi karo; jebis.
  2. Tis meel isugu keenid.

jebis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. ld jebin.
  2. ld jebiso.