toogo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Muraad, qasad, hadaf, tooggo. 2. Kol; mar. ld tooggo.
  2. 1. Nafley rasaas ku ridid. 2. Wax liishaamid.

kol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
  2. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”

mar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
  2. 1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
  3. 1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
  4. 1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.

tooggo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld toogo¹.