mar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.
  2. 1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
  3. 1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
  4. 1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

m

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

Lamidka: ma'

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kii

Qaabnax: mu.ac.l

Macnaha:

  1. kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
  2. ld kiisa².
  3. Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

marid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg mar³. ld mar¹ (4), maris².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur