toxob

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-bo/-byo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur