tuf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.
  2. (daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).
  3. 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn.

riix

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Jirro dad iyo xoolaha ku dhacda oo lafo xanuun leh; tuf.
  2. Wax culus oo aan la qaadi karin xoog ku dhaqaajin.

duco

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Oraah Eebbe khayr lagaga dalbayo.
  2. ld doco.

karaamo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.