tummun

Qaabnax: m.l.t

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fallar

Qaabnax: m.l.t

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tus. “Hasha la shireystay f. iga sii”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur