u

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.
  2. u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur