waalli

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.
  2. (daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.

weylaalis

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. Hargo badan oo waylo ama ari yaryar laga baxshay oo la isku tolay oo la goglado.