wagan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Koox fardo ah oo meel wada jooga. 2. Xayn; koox.

xayn

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iwm oo wada jira; horin; koox.

koox

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-xo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.