xayn

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iwm oo wada jira; horin; koox.

horin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-immo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. ld hormo.

koox

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-xo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.