xaarin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno/-immo, m.dh)

Macnaha:

  1. Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samay-san oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
  2. eeg xaari.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaari

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. 1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur