masaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-fyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.
  2. Saxan weyn oo caw, qabo iwm laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.

dublad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld dublo.

xaarin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno/-immo, m.dh)

Macnaha:

  1. Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samay-san oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
  2. eeg xaari.