xabaalaquf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qarandi; saddexsuulley.

qarandi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.l)

Macnaha:

  1. Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.

saddexsuulley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xaalaquf, qarandi.