xabad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Laab; gaaddo; shaf.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

laab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro.
  2. Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
  3. 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
  4. Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.

Lamidka: luuq, jiiro

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gaaddo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-faf, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
  2. Geedo iwm jarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur