xabagbarshi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld xabagbarsho.

xabagbarsho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.