xamil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. ld xamli.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

rar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.
  2. Gaadiid culaab saarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.
  2. 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xamli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Rar; qaad. ld xamil.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur