xayl

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad.
  2. Haweeney caado helid.

caado

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.

Lamidka: dhibaad, xiso, xayl

dhibaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. ld dhiibaaji.