dhiig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dareere guduudan, wadnahu qaybiyo, halbowlayaasha nafleyda qaarkeed ku wareega oo nafaqada siiya. 2. Caadada dumarku bishiiba hal mar helo; xayl. 3. Dil.
  2. 1. Dhiig sii deyn. 2. ld dhiigow.

xayl

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad.
  2. Haweeney caado helid.

dil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.
  2. 1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.

dhiigow

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-gaabay, -gowday;-gaabi)

Macnaha:

  1. Dhiig yeelasho.