xilo

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Haweenka la qabo; oori; afo; maranti; naag.
  2. U x.: wax dan moodid; wax u iilasho, wax u eexasho.

oori

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.l)

Macnaha:

  1. Haweeney la qabo; afo.

afo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Haweenay la qabo; oori.

maranti

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.l/-iyaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Oori; afo.

naag

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-go, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.