xug

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. X. ah: xaskul qori lagu xaquuqay oo buruqdii laga milay oo liilankii caddaa isu haray. 2. ld xuf.
  2. 1. Xoolo isku duuban, si degdeg ah u kaxayn, u eryid. 2. Si aayar ah maqaarka ama xuubka uga saarid. 3. Hilib ku haray maqaarka ka jarjarid. ld hug.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xuf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-faf, m.l)

Macnaha:

  1. Xuub yar oo harag jilicsan laga soo jeexay oo toobinka afka laga saaro. ld xug¹ (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hug

Qaabnax: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1

Isrogrogga: (-gay, -gtay)

Macnaha:

  1. Neef ari ah harag ka bixin. ld xug².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur