xundhur

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. Xuddun.
  2. (daaw.) Cudur la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha shuban dhiig iyo axal la socdaan.

Lamidka: Xuddun

xuddun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-umo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir).
  2. (jool.) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkii-suna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid.