Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-nno, m.dh)
Macnaha:
1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iwm lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. ld xurbiye, xurbo, xurub.
eeg xurbi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)
Macnaha:
1. ld xurbin¹. 2. Qaybta ku dhex wareegta matoor danab ama danab dhaliye, xurbintaasina waxa ay keentaa in uu danabku saaqmo mareegta dhexdeeda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2
Isrogrogga: (-iyay, -isay)
Macnaha:
Caano iwm xurbiye ku walaaqid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur