yabaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq.
  2. Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq².

Lamidka: jabaq, yabaaq

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jabaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Shanqar yar. ld yabaq¹.
  2. (fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.
  3. Shanqar yar samayn. ld yabaq².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yabaaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld yabaq¹.

Lamidka: yabaq

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur