degeltirid eeg degeltir.
deggan 1. (f.g) Wax meel rug ka dhigtay ahaansho (cid). 2. (f.mg) Wax xasillan ahaansho. 3. (f.mg) Wax kudid raba ahaansho (sac).
degganaan eeg deggan. ld degganaansho.
degganaansho eeg degganow. ld degganaan.
degganow Wax meel rug ka dhigtay noqosho (cid).
degid eeg deg². ld degis, degitaan.
degis ld degid.
degitaan 1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid.
degmo 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. ld degsiimo. Meel la degganyahay.
dego 1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9)
degsaar D. ah: wax garabka lagu qaadi karo.
degsan 1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.
degsanaan eeg degsan. ld degsanaansho.
degsanaansho ld degsanaan.
degsasho eeg degso.
degsiimo Meel la degganyahay. ld degmo (3).
degso 1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iwm samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho.
deji 1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iwm). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iwm samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey
dejin eeg deji. ld dejis.
dejis ld dejin.
deked Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.
deldel (1) ld daldalid.
deldel (2) ld daldal².
deldelaad ld daldalid.
deldelan ld daldalan.
deldelid ld daldalid.
deldelnaan ld daldalnaan.
deldelnaansho ld daldalnaan.
deleb Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
deli Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow.
<< < 342 343 344 345 346 347 348 349 350 351 352 > >>