Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
fataaxsanaansho  ld fitaaxsanaan.
fatah1  ld fatihid. fatah2  1. (f.g) Wax meel ku jira ka daadin. 2. (f.mg) Ku f.: cid si xisaab la'aan ah wax u siin. 3. (f.mg) Biyo meel ku faafid. fatahaad  Jabsashada ay biyo, bad, webi iwm ay jabsadaan xaydaankii ay ku jireen.
fatahan1  Wax la fatahay noqosho. fatahan2  Wax la fatahay ahaansho. fatahmid  eeg fatahan¹.
fatahnaan  eeg fatahan². ld fatahnaansho.
fatahnaansho  ld fatahnaan.
fatash1  Baaritaan meel ama wax lagu sameeyo. ld fatish¹, fetesh¹. fatash2  Meel ama wax baaritaan ku sameyn. ld fatish², fetesh². fatashid  ld fatishid, feteshid.
fatasho  Wax, wax kale ka dhex baarasho. ld fatisho, fetesho.
fati  1. Dhiriq lo'aad. 2. Wax aad u badan oo aan cidina wax ka waayeyn.
fatihid  eeg fatah². ld fatah¹.
fatiil  Liifad. ld fatiilad.
fatiilad  ld fatiil.
fatish1  ld fatash¹. fatish2  ld fatash². fatishid  ld fatashid.
fatisho  ld fatasho.
fatuurad  Baabuur yar oo gudaha ku leh kuraas jilicsan oo lagu fariisto, dhinacyadana albaabo iyo muraayado. ld fatuuro.
fatuuro  ld fatuurad.
fatuux  Tamuux, bataax, bacad.
fatwo  Jawaabta mufti ka baxsho arrin diin ku saabsan oo adag.
fawee  Maro fawo u yeelid.
faweyn  eeg fawee.
fawna  ld foona.
fawo  1. Dun midab leh oo dharka qurxiso. 2. ld fuwo.
fax1  F. ka dheh: dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada baxaan.
page : 38 of 73
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>

 

Exit mobile version