wiiqnaan eeg wiiqan². ld wiiqnaansho.
wiiqnaansho ld wiiqnaan.
wiir Ciyaarta godootan, xabbad keliya oo god keligeed la dhigay.
wiirawiire 1. (c.fal.) Harkii kolka qorraxdu dhinacna diiddo. 2. Dhibaato kasta oo kulul.
wiirawiiro 1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. ld wiirawiire.
wiiro 1. Xumaan uurka la isugu hayo; utun. 2. Cayaar beeralaydu tumato oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
wiirsasho eeg wiirso.
wiirso Ku w.: cid ku jeesjeesid; ku digasho.
wiish 1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro. 2. Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya. 3. Aalad gu-ryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.
wiisito Baaritaan caafimaad.
wiiwii Erey tilmaama cabaad, jibaad.
wil 1. Dharka dumarku xirtaan nooc ka mid ah oo khafiif ah. 2. Halka ay iska galaan misigta iyo bawdada. 3. Isha birteeda.
wilgee ld wiglee.
wilgeyn ld wigleyn.
wilgo ld wiglo.
wiliqdhabayn eeg wiliqdhabee. ld wiliqdhabays.
wiliqdhabays ld wiliqdhabayn.
wiliqdhabee Awr dad cun ah carin.
wiliqdhabo Carinta la cariyo awr dad cun ah.
willad ld willasho.
willasho eeg willo. ld willad.
wille Dhagaxa kore ee maxdinka; weled.
willo 1. Wax dhaqaaq degdeg ah samayn. 2. Nafley didid.
winiin 1. Safan yar. 2. (-nno, m.dh) Fu-ruuruc dhalada madaxa ka soo baxa.
winiini-elektaroon (kiim.) Tirada kuwaan-tam ee winiiniga oo lagu asteeyo m ; kana tarjumaysa winiiniga elektaroon kasta, waxa-na la siiyaa qiimeyaasha +1/2 ama -1/2.
wiqiyad Miisaan dhan 28,35 garaam ama rodol lix iyo toban meelood loo qaybiyey hal meel (1/16 rodol). ld wiiqiyad, wuqiyad.
wir Car! Ma ku dhacda.
wirayn eeg wiree.
wiree Cid wir ama car ku dhihid.
wiriiri 1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
page : 38 of 40
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 >