Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
dalmar  Nin dalal badan tegay. ld dalmareen.
dalmarid  Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
dalmid  eeg dalan.
dalool1  1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹. dalool2  (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar. dalool3  Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). ld duleel². dalooli  Wax dalool u yeelid. ld duleeli.
daloolid  eeg dalool³. ld duleelid.
daloolin  eeg dalooli. ld duleelin.
daloolin cad-hunguri  (daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.
dalooliye  Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iwm lagu dalooliyo. ld duleeliye.
dalooshamid  eeg dalooshan¹. ld duleeshamid.
dalooshan1  Meel, wax dalool leh noqosho. ld duleeshan¹. dalooshan2  Wax dalool leh ahaansho. ld duleeshan². dalooshnaan  eeg dalooshan². ld dalooshnaansho, duleeshnaan, duleesh- naansho.
dalooshnaansho  ld dalooshnaan.
dalow1  1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid. dalow2  Qof dalkiisii ku dhibaatooday, dal kale iska aadid. dalqad  ld dalaaq².
dalqami  1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin.
dalqamid  eeg dalqan². ld dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
dalqamin  eeg dalqami.
dalqamiso  Sixir lagu sameeyo qof la doonayo wax uu ogyahay in uu sheego.
dalqan1  1. Hadal badan oo iyadoo aan laga fiirsan lagu hadlo. 2. ld dalqamid. ld dulqan¹. dalqan2  Hadal badan oo aan laga fiirsan ku hadlid. ld dulqan². dalqe  ld dalqo.
dalqo  (c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.
dalqoholac  1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
dalsan  Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan.
daltabyeysan  Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho.
page : 39 of 218
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>

 

Exit mobile version