xilafursii Cid in ay xilaheeda ku dhaarato gayeysiin.
xilafursiin eeg xilafursii.
xilagube Nin ooridiisa u daran.
xilasho eeg xilo².
xilbax (1) ld xilbixid.
xilbax (2) Waajib qof saarraa si fiican u gudasho.
xilbixi Cid in ay xilkeeda si fiican u gudato geyeysiin.
xilbixid eeg xilbax². ld xilbax¹.
xilbixin eeg xilbixi.
xildhibaan 1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.
xildiid Xabag midab dambar-cad ah, ur silloon iyo dhadhan kharaar leh oo daawo ahaan loo isticmaalo.
xilfe Nagaar la beero, oo iniino yaryar, oo dhirta dawada ka mid ah.
xilid eeg xil².
xilkas 1. Qof xilka garan og; xildhibaan. 2. Neef irmaan oo madi ah, oo lagu xilbaxo.
xilkasnimo Xilkas ahaansho.
xillad Kal; waqti.
xilli (1) 1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur.
xilli (2) (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.
xilo (1) Haweenka la qabo; oori; afo; maranti; naag.
xilo (2) U x.: wax dan moodid; wax u iilasho, wax u eexasho.
xiloodi 1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.
xiloodin eeg xiloodi.
xilqaamid eeg xilqan². ld xilqaan¹.
xilqaan (1) ld xilqaamid.
xilqaan (2) Is x.: is adeejin, wax isu dirid, xil isa saarid.
xilqabeen Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
xilqo Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
xiltir (1) ld xiltirid.
xiltir (2) Qof hawl cid laga sugaayey fulinteeda isu xilsaarid.
xiltirid eeg xiltir². ld xiltir¹.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>