Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
xilwareejin  La kala wareegidda laba qof maamul la kala wareegaan.
xilyaxyax  Ceeb weyn; bayuur.
ximaar  Dameer.
ximaayayn  eeg ximaayee.
ximaayee  Cid si kaftan ku jiro wax uga sheegid.
ximaayo  Xifaalo; xin.
ximi  Si xin ku jiro cid ula dhaqmid.
ximin  eeg ximi.
ximir  1. Xiddig weyn oo u dhexeeya dirirka iyo haltoddobaaddada. 2. Roobabka dayrta ugu horreeya mid ka mid ah. 3. Xilli ka mid ah xilliyada dayrta.
ximre  Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min labo, madaxa tan ka hoosaysana hal. ld cimre.
xin  1. Colaad yar oo masayr iyo xaasidnimo leh oo dad qaraaba ahi isu qabaan. 2. (-man, m.l) Biyafariisin yaroo xareed ah.
xinif  Is necbaan yar oo dad ka dhexeysa.
xiniin1  Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh. xiniin2  Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood. xiniin3  (c.nafl.) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga. xiniin-xolac  (daaw.) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniin-yaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
xiniintaabasho  eeg xiniintaabo. ld xi-niinyataabasho.
xiniintaabo  ld xiniinyataabo.
xiniinyataabasho  eeg xiniinyataabo. ld xiniintaabasho.
xiniinyataabo  Qof la raba in laga salgaaro xummaantiisa, gardarro bareer ah ku samayn. ld xiniintaabo.
xinjir  Dhiig guntamay.
xinjir-roor  (daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu-san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib-ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
xinne  ld xinni.
xinnee  Xinni marin (meel).
xinneyn  eeg xinnee.
xinneysasho  eeg xinneyso.
xinneyso  Xinni marsasho.
xinni  Cillaan. ld xinne.
xiqdi  Colaad iyo nacayb uurka lagu hayo.
xir1  Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.
page : 43 of 60
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>

 

Exit mobile version