Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
carjebi  1. Dhar cusayb ka bi'in. 2. Weel la culay carka ka bi'in.
carjebin  eeg carjebi. ld carjebis.
carjebis  ld carjebin.
carjo  Cambuul.
carmal  Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmali  C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmaloobid  eeg carmalow.
carmalow  Carmal noqosho.
carmayn  ld carmin.
carmee  ld carmi.
carmi  1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. ld carmee.
carmin  eeg carmi. ld carmayn.
carmo  Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg.
caro1  Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo. caro2  Caro gelid; xanaaqid; camashood. caroceli  Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.
carocelin  eeg caroceli.
caroo  U c.: caro dareemid.
caroobid  eeg carow.
carood  eeg caroo.
caroofi  C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
caroog  1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.
carooti  Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
carow  Caano, wax car yeeshay noqosho.
carqalad  Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo.
carqaladee  Hawl carqalad gelin.
carqaladeyn  eeg carqaladee.
carqalo  ld carqalad.
carraabi  1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
carraabid  1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
page : 44 of 95
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>

 

Exit mobile version