ferenfer ld faranfar.
ferenji Nin cad oo aan muslin ahayn.
ferenjiyad Haweeney cad oo aan muslin ahayn.
fergad ld fargasho.
fergasho ld fargasho.
fergo ld fargo.
feterinari Xanaanada xoolaha.
fetesh1 ld fatash¹. fetesh2 ld fatash². feteshid ld fatashid.
fetesho ld fatasho.
feyd 1. Wax, wax ku gudban ka weecin. 2. Wax, wax ku daboolan ka qaadid.
feydad ld feydasho.
feydan Wax la feydey ahaansho.
feydasho eeg feydo². ld feydad.
feydid eeg feyd.
feydnaan eeg feydan. ld feyd-naansho.
feydnaansho ld feydnaan.
feydo1 ld faa'iido. feydo2 Qayb jirka ka mid ah maro ka qaadid. feygamuur Nooc kabo soomaaliga ka mid ah oo leh suun dambe iyo mid faraha dushooda saaran, labo maqaar oo adag oo cagta labadeed dhinac kor uga tagaan iyo indhal ay gasho far dhexaadda lugta.
feynuus Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. ld faanuus.
feytin ld feertin, feetin.
fibrin (baay.) Borotiinta aan milmin ee samaysa miiqa yaryar ee laga helo meelaha dhaawacma, kuwaas oo aasaas u ah xinjirowga dhiigga.
fibrinojiin Borotiinta ku milan balaasmada dhiigga, taas oo marka si habboon loo firfircooniyo isu beddesha miiqaq fibrin oo aan milmayn.
ficil1 1. ld ficilo. Dareen cid loogu hiillinayo. 2. (afcaal, m.dh/facaayil, m.l) Waxqabad. ficil2 (afcaal, m.dh/faacaayil, m.l) (nax.) Fal. ficilo ld ficil¹.
ficiloo U f.: ficilo samayn.
ficilood eeg ficiloo.
page : 44 of 73
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>