Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sibirayn
dibuhabayn 1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iwm. 2. Dayactir.
dibuhabayn hiddoside D.ta h.yaal isku xidhan si uu u dhaco isutallow.
dibunoqosho Dibuggurasho.
dibuquudsi Isticmalka iyo ka faa'iideysiga qayb ka mid ah maxsuulka qalab amar-dooriye ah si caynaanka loogu hayo kartida waxqabadkiisa. Waxa ay saamaysaa jabaq-kordhiyeyaalka.
dibusocod Qof ka soo horjeeda isbeddelka iyo ilbaxnimada.
dibusocodnimo Dibusocod ahaansho (qof).
dibusoonoolaansho 1. (dii.) Hab nafta dib loogu soo celiyo jirka (fikrad diineed). 2. (dii.) Natiijo nafley. 3. (dii.) Habka ruuxa iyo qofka ay isuraacaan. ld dibusoonoolayn.
dibusoonoolayn ld dibusoonoolaansho.
dibutaati Xildhibaan.
dibuxorayn Madaxbannayn.
dicaayad 1. War aan sal iyo baar lahayn oo cid laga fidiyo iyadoo lagu caayayo. 2. War aad u badan oo cid wax gaar ahaaneed looga dhaadhicinayo. ld dacaayad, dacaayo, dicaayo.
dicaayadee Cid dicaayad ka sheegid. ld dacaayadee.
dicaayadeyn eeg dicaayadee. ld dacaayadeyn.
dicaayo ld dicayaad.
dicin ld cicin.
did Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².
diddimi Hoore yar, si aayar ah u shubid. ld dindimi.
diddimid eeg diddin². ld dindimid, dundumid.
diddimin eeg diddimi. ld diddimis, dindimin, dindimis.
diddimis ld diddimin.
diddin (1) In yar oo hoore ah. ld dindin¹.
diddin (2) In yar oo hoore ah si ayaar ah u daadasho. ld dindin².
diddinsad ld diddinsasho.
diddinsasho eeg diddinso. ld diddinsad, diddinsi, dindinsad, dindinsasho.
diddinsi ld diddinsasho.
diddinso Hoore yar meel ka shubasho. ld dindinso.
didi Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iwm.). ld dudi.
didib (1) 1. Dhul dibir ah. 2. Ciid budo cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay.
didib (2) (kiim.) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam.
didid eeg did. ld dudid.
<< < 442 443 444 445 446 447 448 449 450 451 452 > >>

 

Exit mobile version