Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
haybaarsasho  eeg haybaarso. ld haybaarsad, haybaarsi.
haybaarsi  ld haybaarsasho.
haybaarso  Baadi xogteeda cid weyddiisasho.
haybad  Sharaf, xishood, golajoog iwm oo cid ka muuqda.
haybadeysad  ld haybadeysasho.
haybadeysan  Qof laga habadayso.
haybadeysasho  eeg haybadeyso. ld haybadeysad, habadeysi, haybaysad, haybaysasho.
haybadeysi  ld haybadeysasho.
haybadeysnaan  eeg habadeysan. ld habadeysnaansho.
haybadeysnaansho -  ld habadeys-naan.
haybadeyso  Ka h.: Cid amarkeeda si xushmadi ku jirto u fulin. ld haybayso.
haybasi  ld haybadeysasho.
haybaysad  ld haybadeysasho.
haybaysasho  ld haybadeysasho.
haybayso  ld haybadeyso.
haybe  Midab madow-dhalaal ah; hurre.
haybermetrobiya  (daaw.) Xaalad arag oo ay fallaraha ifku ku dhacayaan meel ka dambeysa xuubka aragga (reetina) marka qofku si caadi ah wax u eegayo. Wixii yaal meel ka dhaw lix mitir si fiican u muuqan maayan, wixii yaal lix mitir meel ka fogna si fiican u muuqan mayaan laaki in mararka qaarkood indhaha oo la khasbo ayaa lagu arkaa. Waxa ugu fiican ayadoo la qaato muraayadaha indhaha oo takhtar uu qoro.
haybi  1. Baadi cid weyddiin. 2. Wax cid weyddiin.
haybin  eeg haybi. ld haybis.
haybis  ld haybin.
haybotayrodism  (daaw.) Shaqada qanjirdhiiga taayrodka oo yaraata. Haddii lagu dhasho oo an la daawayn waxay keeneysa karaetiniism. Haddii qof weyn ku dhacdo waxay keentaa hoos u dhac maskax iyo jirba, qabow dareen dheeraad ah, garaaca wadnaha oo yaraada, culeyska oo kordha iyo maqaarka oo dildillaca.
haybsad  ld haybsasho.
haybsasho  eeg haybso. ld haybsad, haybsi.
haybsi  ld haybsasho.
haybso  1. Cid haybtiisa weyddiin. 2. Cid wax weyddiisasho.
haydaar  eeg haydaaro.
haydaarayn  eeg haydaaree. ld haydaarays.
haydaarays  ld haydaarayn.
haydaaree  Cid haydaaro u gaysasho.
haydaaro  1. Dhib, luggooyo iwm oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. ld haydaarto.
page : 47 of 93
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>

 

Exit mobile version