joohaarad 1. Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min afar dhibcood ku leh. 2. Wax if bixiya oo masjoohaarku habeenkii markuu ugaarsanayo soo tufo.
jooji 1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.
joojin eeg jooji. ld joojis.
joojis ld joojin.
joojiye (baay.) Walax hoos u dhigta ama joojisa falgal uu xukumayo insaym.
joojiye falgal Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
jookar Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.
jookh 1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
joolaal ld salool.
joolaalad ld saloolad.
joolaalasho eeg joolaalo.
joolaalo Geed saloo-lasho.
jooloji Barashada qaabka iyo habdhiska dhulka. Barashadan waxaa ka mid ah walxaha uu ka koobanyahay dhulka, kala filiqsanaantooda, taariikhdooda, nolosha dhirta iyo xayawaanka ku nool ama ku noolaan jiray.
joome Dibi weyn oo dhufaan ah; baqay.
joometeri (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.
joometeriga saafan (xis.) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.
joometeriga Yuklid (xis.) Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa “Euclid”, kuna qoray buugga la yiraahdo “The Elements”. Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: “Bar waa mid aan qayb lahayn”, “xarriq waa dherer aan ballal lahayn”. Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo “Euclid” uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.
joonis Cagaarshow.
joonyad ld jawaan.
joordi Bilaale yar oo dhoob ka samaysan oo shaaha iyo bunka lagu cabbo.
joqof ld juquf.
joqofey Boog aan dhaqso u raysan.
joqofsan ld juqufsan.
joqofsanaan ld juqufsanaan.
joqofsanaansho ld juqufsanaan.
jornaal 1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
jowhar ld jawharad.
jowr1 ld jawr¹. jowr2 ld jawr². jowrfal1 ld jawrfal¹.
page : 48 of 53
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 >