qaybin eeg qaybi. ld qaybis.
qaybis eeg qaybi. ld qaybin.
qaybiye Qof wax qaybiya. ld qaybshe.
qayblibaax Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
qaybqaadasho eeg qaybqaado.
qaybqaado Ka q.: hawl, arrin iwm xubnaha fulinaya ka mid noqosho.
qaybsad ld qaybsasho.
qaybsamid eeg qaybsan¹.
qaybsan1 Wax la qaybiyey noqosho. qaybsan2 1. (f.g) Qof wax xafidsan ahaansho. 2. (f.g) Wax la qaybiyay ahaansho. 3. (f.mg) Ku q.: qof hawl, arrin iwm, fulinteeda iwm, lagu aaddiyey ahaansho. qaybsan unug (baay.) Samaysanka laba unug oo mataanaysan oo ka yimid unugga waalidka. Marka hore waxa qaybsanta bu'da, taasi uu daba socdo samaysanka xuub u dhexeeya bu'aha mataanaha.
qaybsanaan eeg qaybsan². ld qaybsanaansho.
qaybsanaansho ld qaybsanaan.
qaybsasho eeg qaybso. ld qaybsad, qaybsi.
qaybshaha ay wadaagaan (xis.) Tirada haraa la'aan qaybisa laba ama dhawr tiro.Tusaale ahaan, 3 waa qaybshaha ay wadaagaan 12, 18 iyo 33. 3 waxa kale oo la oran karaa isirka ay wadaagaan 12, 18 iyo 33.
qaybshe ld qaybiye.
qaybsi ld qaybsasho.
qaybsii Cid wax xafidsiin.
qaybsiin eeg qaybsii.
qaybso 1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid.
qaybta kaadimareenka (c.nafl.) Qaybta oo dhan ee isugu jirta dhuumo iyo faro oo kaadida ka soo qaada keliya dibeddana u saara. Waxay ka koobantahay: a) kaadi mareennada kaadihaysta ka sarreeya; b) kaadi haysta; c) kaadi mareenka hoose.
qaybta lafaha (daaw.) Aqoonta ama ka shaqeynta toosinta qaabdarro uu keenay cudur ama waxyeello kale oo lafaha iyo xubno is goysyada ku dhaca.
qaybta liimbigada ee maskaxda (c.nafl.) Qayb maskaxda ka mid ah oo ka kooban dareemayaal mareenno sameynaya xarun unugyeed kala duwan waxay qaabilsantahay dareenno dadka ku qarsoon oo nolosha laga maarmin iyo fahamada kuna xiran qaybaha qanjirdhiigga iyo dhaqaaqa ee jirka.
qayd Dhul cabbirid.
qaydan Wax la cabbiray ahaansho (dhul).
qaydar Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.
qaydasho eeg qaydo.
qaydid eeg qayd².
qaydin Ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.
qaydin-hays Q. ah: nin meesi xoolaad si joogto u ilaaliya oo aan ka harin.
page : 51 of 86
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>