Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
araasi2  Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci'sameynaya. ld insaarax². araasiyid  eeg araasi². ld insaarixid.
arabbikhi  Galley.
arad1  Dhul; arlo. arad2  Haweenay la qabo; naag; afo. arag1  1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal. arag2  1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho. arag-dhowaadka  (daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
arag-qumin  (daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
aragbeel1  ld indhabbeelid. aragbeel2  ld indhabbeel². aragbeelid  ld indhabbeelid.
aragti  1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.
aragti-haraa  (xis.) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
aragti-isir  (xis.) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.
aragtida Darwin  (baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.
aragtida kuwaantam  (fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.
aragtida Leewis  (kiim.) eeg asiidha Lewis.
aragtiinka asaasiga ah ee aljebra  (xis.) Isle'eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z + a,z + a z ... +a z + a =o, taas oo a , a , a ,... iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.
aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan  (xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).
aragxumaan  eeg aragxun. ld aragxumaansho, aragxumi, aragxumo.
aragxumaansho  ld aragxumaan.
aragxumi  ld aragxumaan.
aragxumo  ld aragxumaan.
aragxun  1. Nafley ay jirro, macluul iwm ka muuqdaan ahaansho. 2. Nafley aan indhaha si fiican wax uga arkeyn ahaansho.
arah1  1. A. ah: tiro dad ah oo u safray in ay soo gurtaan miro, xabag, caws iwm. 2. ld arahid. ld arahid. arah2  Dad in ay soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u safrid; arahdoon. ld arahdoon². arahdoon1  1. A. ah: ld arah¹. 2. ld arahdoonid. ld arahdoonid. arahdoon2  ld arah². arahdoonad  ld arahdoonasho.
page : 54 of 75
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>

 

Exit mobile version